Home » UK Oo Baareysa Xubno Loogu Shakisan Yahay Daacishta Wax Disha

UK Oo Baareysa Xubno Loogu Shakisan Yahay Daacishta Wax Disha

by Mohamed Adam Socdaal

Uk (CKG)- Wargeyska Daily  Mail ee ka soo baxaya dalka Britain ayaa lagu daabacay war bixint l xiriirtaa  19 qof oo looga shakisan yahay in ay Daacisha ka Tirsan yihiin   , kuwaas oo 5 kamid ah ay Soomaali yihiin,  ayaa ku galay dalka Britain iyaga oo soo raacay doomo yar yar, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah sheegeen

Dadka ajnabiga ah ee lala xiriirinayo in ay Daacish k tirsan yihiin ayaa si sharci darro ah ku gaaray Boqortooyada Ingiriiska iyagoo ka yimid waqooyiga Faransiiska sannadkii hore.

Intooda badan ayaa tan iyo markii ay dalka UK ku galeen dacwadaha magan-gelyo ah, waxay awood u leeyihiin inaan la masaafurin karin, qayb ahaan, sida ay dhigayaan sharciyada xuquuqda aadanaha.

19-ka nin ayaa hadda la rumeysan yahay inay degan yihiin hoteello kuyaala Ingiriiska, kuwaas laga bixiyo canshuurta muwaadiniinta dalkaas.

Tuhmanayaasha ayaa hadda waxaa ilaalo ka haya waaxda Amniga ee MI5, iyo booliiska la dagaallanka argagixisada ee dalka Uk .

Shan ka mid ah  Eedeeysanayaasha ee yimid  Uk sannadkii hore waxay u dhasheen Ciraaq, shan ka mid ah waxay u dhasheen Iran, afar waxay u dhasheen Afgaanistaan, afar ka mid ah waxay u dhasheen Soomaaliya iyo mid Liibiyaan ah.

Tuhmanayaasha qaar kood oo baaris lagu sameeyay , ayaa shan ka mid ah waxaa lala waxaa loo heeysta in ay inay katirsan yihiin kooxda Daacish.

Hay’adaha Amnigaa ee dalka Britain ayaa aqoonsaday qaar badan oo ka mid ah 19-ka looga shakisan yahay waxa loogu yeero Argagixiso iyadoo loo marayo meelaha ay ka yimaadeen.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com