Home Âğ Kulan laga yeeshay sugida Amniga Doorashada Golayaasha deegaanada Puntland

Kulan laga yeeshay sugida Amniga Doorashada Golayaasha deegaanada Puntland

by Mohamed Adam Socdaal

Garoowe (CKG)- Taliyaha ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/guuto Muumin Cabdi shire ayaa Maanta shir  guddoomiyay shir looga hadlayay amniga doorashada golayaasha deegaanada oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa taliyaasha qaybaha ku lahadlay in ay dardar galiyaan kor uqaadista amniga doorashada dhammaan gobolada Puntland iyo hirgalinta iyo iskuxirta xogaha ciidamada amniga doorashada.

Sidoo kale Taliye Muumin Cabdi ayaa ku amray ciidamada inay xoojiyaan howlaha nabadgalyada, isla markaana laga feejignaado wax kasta oo keeni kara amni darro ka dhacday deegaanada ay ka dhacayaan doorashada golayaasha deegaanada

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galay taloye ku xigeenka Ciidanka boliiska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur,Taliyeyaasha qaybaha Booliska Gobolladda Puntland, Agaasimaha waaxda amniga wasaaradda amniga Puntland iyo Saraakiil kale.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright Âİ 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com