Turkey (CKG) – Axadda saaka ah, shacabka dalka Turkiga ayaa u dareeray doorashada xilka Madaxweynaha cusub iyo tan Baarlamaanka waddankaas.
Doorashadan ayaa ah mid taariikhi ah oo shacabka dalkaasi ugu asteysan 100 sano guuradii ka soo wareegatay markii dhidibbada loo taagay Turkiga cusub, kaddib burburkii khilaafada cusmaaniyiinta.
Madaxweynaha iminka xilka haya, Rajab Tayib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Kemal Kilicdaroglu ayaa si weyn ugu loollamaya kursiga madaxtooyada.
Dadweynaha Axadda maanta ah codeyn doona ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 64 milyan oo qof oo ku kala sugan gudaha dalka Turkiga iyo dibaddiisa, kuwaa oo codadka ku kala dhiiban doona 191 kun oo sanduuq oo gudaha dalka ah iyo 5 kun oo sanduuq oo dalka dibaddiisa ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa taageerayaashiisa u sheegay in labaatankii sano ee la soo dhaafay ee uu talada dalka joogay uu ka shaqeeyay dib u dhiska kaabayaasha dalka iyo sidii Turkigu cagaheeda si buuxda ugu istaagi lahayd taasina ay hirgashay haatanna uu doonaya in mar kale uu sii hoggaamiyo Turkiga oo meelo fog hiigsanaysa.
Sidoo kale, hoggaamiyaha mucaaradka Kilicdaroglu ayaa isna taageerayaashiisa u sheegay in la joogo xilligii Turkigu qaadi lahaa dhabbahaa dimoqraadiyadda, isla markaana shacabku iska hor leexin lahaayeen Erdogan oo talada hayay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Hay’adda sare ee ka shaqeysa doorashooyinka dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo natiijada doorashada oo horudhac ah isla Axadda maanta ah.
Wixii warar ah ee ku saabsan doorashooyinka Turkiga kala soco halkan.
CodkaKoonfurGalbeed.com