Muqdisho (CKG) – Waxaa markii ugu horraysay muddo 52 sano ah kadib ay Soomaaliya ku guulaysato inay kursi aan joogto ahayn ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinnimadaasi.
Arintan ayaa waxay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.
Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada, iyadoona ay dib u soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.
Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda
Wasiirka arrimaha dibadda Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay guusha ay Soomaaliya gaartay ayaa sheegay, in ay Soomaaliya ka miro dhalisay dadaalkeeda diblumaasiyadeed, iyo sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay uga go’an tahay nabadda caalamka.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waa-weyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.
CodkaKoonfurGalbeed.com