Jabuuti (CKG) – Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen carruur ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib markii ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah.
Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa Talaadada maanta ah sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen dhawaan meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, kaddib markii ay la gadoontay dooni ay la socdeen. Waxayna xustay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb qaadanayo howlaha gurmadka ee dadkaasi.
- Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho
- Aqoon-isweydaarsi ku saabsan samaynta qorshe-hawleedka wadiiqooyinka xalka waara oo Baydhabo lagu qabtay(SAWIRRO)
Hay’adda IOM ayaa xustay, in la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta qallibantay.
Sidoo kale, war qoraal ah oo ay IOM ku daabacday barteeda X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur.,
Waa markii labaad ay dooni ku gadoonto meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, sida ay xustay Qaramada Midoobay.