Turkey (CKG) – Waxaa soo baxaya natiijada horudhaca ah ee doorashada dalka Turkiga, sida ay tebisay wakaaladda Wararka ee Reuters, taasoo muujineysa in Madaxweyne Erdogan uu aad ugu horreeyo.
Natiijadan ayaa ku saleysan qeyb yar oo ka mid ah codbixinta, 9.1%. iyadoo taas lagu saleynayo, waxay warbaahinta HaberTurk tebisay in Erdogan uu 59.47% ku hoggaaminayo musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu oo heysta 34.79%.
Hadalka Mucaaradka Turkiga
Erayadii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee ka soo baxa mucaaradka ugu weyn Turkiga ayaa ahaa kuwo rajo muujinaya iyo hal digniin oo ah inaan la isku halleyn natiijada horudhaca ah.
“Sawirku ilaa iyo hadda waa mid rajo muujinaya,” ayuu yiri Faik Oztrak oo ah afhayeenka Xisbiga Jamhuuriga ee Dadka (CHP), balse wuxuu dadka Turkiga uga digay inaysan ahmiyad siin natiijada horudhaca ah ee ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas Anadolu, isagoo ku eedeynaya “inay fulisay howl aan la isku halleyn karin”.
Natiijada horudhaca ah ayaa waxay inteeda badan ka imaaneysaa meelaha uu ku xooggan yahay Madaxweyne Erdogan.
“Waxaan qireynaa inay tahay codbixintii aadka la isugu soo baxay,” ayuu yiri Oztrak, balse wuxuu shacabka Tukriga ku boorriyay inay sugaan nambarrada micnaha leh.
CodkaKoonfurGalbeed.com