Home » Taliye Sare Oo Katirsan PIJ Oo Lagu Dilay Duqeyn Laga Beegsadey.

Taliye Sare Oo Katirsan PIJ Oo Lagu Dilay Duqeyn Laga Beegsadey.

by Mohamed Adam Socdaal

Qaza (CKG)- Waaberigii saaka wax yar ka hor duqeyn ay Israel la beegsatay dhisme dabaq ah oo ku yaal Qaza ayaa lagu dilay mid ka mid ah taliyeyaasha sare ee kooxda Mujaahdiinta Falastiin ee PIJ iyo hal qof oo kale.

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu dhuftay dabaqa shanaad ee dhisme ku yaal xaafadda Xamaad oo u dhow marinka dhanka woqooyi ee khan Yonis.

falastiiniyiinta ayaa Arbacadii kusoo ganay dhanka Israel in ka badan 460 gantaal.

Milatariga Israel ayaa ku dhuftay in ka badan 130 bartilmaameed, weerarkan oo noqonaya kii ugu cuslaa muddo sagaal bilood ah.

Ugu yaraan 24 qof oo qiyaastii 10 ka mid ah ay rayid ahaayeen saddexna ka mid ahaayeen taliyeyaasha kooxda PIJ ayaa lagu dilay Qaza tan iyo subaxnimadii talaadada, markii ay Israel bilowday hawl galkeeeda ka dhanka ah kooxdan, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka ee Falastiin.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com