Home » Taliyaha Qeybta 60-aad Ee Xoogga Dalka Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Booqdey Taliska Ciidanka Guutada 9-aad ee Xoogga Dalka Ee Degmada Xudur (SAWIRRO)

Taliyaha Qeybta 60-aad Ee Xoogga Dalka Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Booqdey Taliska Ciidanka Guutada 9-aad ee Xoogga Dalka Ee Degmada Xudur (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Xudur (CKG)- Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaiya, wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Degmada Xudur oo ay wehlinayeen guddoomiye kuxigeenka Degmada iyo Saraakiil Ciidan ayaa booqasho wadajir ah waxay ku tageen xerada Ciidamada Guutada 9-aad ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Xudur,

guddoomiyaha Degmada Xudur Mudane Omar Abdullaahi Mohamud ayaa madaxda hortooda ku cadeeyey in Ciidamada Guutada 9-aad ay yihiin kuwo naftooda-xuriyaal ah oo Bulshadooda ka difaacey dhibaatooyin kala duwan oo Cadowga umadda ay soo maleegeen.

Dhankooda Taliyaha Qeybta 60-aad iyo Wasiirka Cdaaladada Koonfur Galbeed ayaa Cidamada kula dardaarmey in ay u diyaar garoobaan sidii muddo dhow loo bilaabi Wajiga labaad ee howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab looguna xoreyn lahaa Gobolka Bakool.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com