Home » Taliyaha Cusub ciidanka Booliska KG ee degmada Buur-hakaba oo xilka la wareegay(SAWIRR)

Taliyaha Cusub ciidanka Booliska KG ee degmada Buur-hakaba oo xilka la wareegay(SAWIRR)

by Weriye Ateera

Buur-Hakaba(CKG)-Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gaarka ah Koonfur Galbeed fadhigoodu yahay Degmada Buur-hakaba ayaa Xilka Kuwareejiyay Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Boliiska Gaarka ah Ee maamul goboleedka koonfur galbeed.

Munaasabad Kooban oo ay Xilka Kula wareegayeen ayaa lagu qabtay Degmada Buur-hakaba.

Taliyahii Hore Ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah Ee maamul goboleedka koonfur galbeed ayaa u Mahadceliyay Ciidamadii Uu taliyaha u ahaa, Isagoona Xilka Si Rasmi ah ugu Wareejiyay Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Boliiska Gaarka Ee maamul goboleedka koonfur galbeed.

Xil Wareejin Kadib Taliyaha Cusub Ee Maanta Xilka la wareegay ayaa u Mahadceliyay Dowlada KG Isagoona Balan qaaday Inuu sii dardargelin Doono Howlaha Amaanka Degmada Ee Loo igmaday.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com