Wednesday, February 28, 2024
More

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka TurkSom ee Baydhabo(SAWIRRO)

    Baydhabo(CKG)-Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen. Axmed Aadan Cali ayaa Kormeer Shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka TurkSom & Taliska Guutada 18,aad Kumandooska Gorgor XDS ee magaalada Muqdisho.

    Taliyaha ayaa ugu horayn Tagay Dugsiga tababarka ee Turkisom Halkaas oo uu Tananarive uga socdo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka,Kormeerka ka dib ayuu Taliyuhu waxa uu kulan la qaatay Gen.Ali SIGIRTMAÇ oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona uga mahadceliyey Garab istaaga ay dowladda Turkigu garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya waxana uu u sheegay in ay sii laba jibaraan dadaalak ay wadaan ee ah in ay soo saaran Ciidan Dhisan Ka Talis ahaana Ay Garabtaagan yihiin.

    Dhinaca kale Taliyaha ayaa kormeeray Taliska Guutada 18,aad Ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18,aad Gashaanle Bashiir Cumar Cabdullaahi.

    Taliyaha ayaana kulan la qaatay Saraakiisha Guutada 18,aad Kumandooska Gorgor XDS waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran ee Saaran madaama guud ahaan dalkeena uu ka bilaabanayo wajiga labaad ee dalka looga sifaynayo kooxda Khawaarijta.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    By: Siid Cali Muuse

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com