WANIILE(CKG)-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle, ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Jenaraal Dayah ayaana deegaanka Waniile kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga dalka ee howlgalka sifeynta Al Shabaab ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleystaan.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Al Shabaab lagu naafeeyey ciidamadu ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.
Dowladda Soomaaliya , ayaa mar kale qorsheeneysa in bariga gobolka Galgaduud laga bilaabo howlgalo ka cusub oo ka dhan ah Al Shabaab, taa oo la doonayo in kooxdaasi gabi ahaan looga sifeeyo bariga Galgaduud.
Codkakoonfurgalbeed,com