Home » Taliyaha Ciidanka Booliska oo faray Saraakiisha hoggaanka baarista ee CID-da inay…

Taliyaha Ciidanka Booliska oo faray Saraakiisha hoggaanka baarista ee CID-da inay…

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray qeybta Faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xog wareystay qaar kamid ah Shacabkii ku sugnaa Xarunta ee loo adeegayay, isaga oo wax ka weeydiiyay sida ay u socoto Shaqada Xarunta iyo hadii ay cabasho qabaan.

Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna howsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay, isaga oo Saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehan tahay loogu adeego shacabka.

Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da ayaa waxaa ay kamid tahay Xarumaha dowladda Soomaaliya ee Shacabka loogu adeego, isla markaana cabasho la xiriirta in lacago laaluush ah Shacabka looga qaado ay ka timaado, waxaana taliyeyaasha isaga kala dambeeyay Booliska Soomaaliya ay mar walba tagaan Xaruntaas oo aan wax isbeddel ah laga dareemin.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com