BAYDHABO(CKG)-Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta dowladda soomaaliya G/ Cilmi Waasuge oo maalmahan ku sugan degmada Baydhabo ayaa waxaa uu kormeero ku sameeyay Xabsiyada Ciidanka Asluubta ee degmada Baydhabo ayadoona kormeerka ku wehlinaayay Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta KG, Saraakiisha iyo taliyaasha kala duwan.T
aliyaha Ciidanka Asluubta qeybta KG Aadan Cali Axmed ayaa si aad ah uga hadlay xaaladaha guud ee Ciidanka iyo baahiyaha ka taagan saldhigyada Ciidanka Asluubta ee gobolada KG.
Taliye Aadan ayaa tilmaamay in la dafiray derejooyinka kala duwan ee Ciidanka asigoona sheegay in saraakiil iyo taliyaal mudan in la siyo ay derejooyinka ay ku jiraan Ciidanka balse ay ku egyihiin magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta KG Aadan Cali Axmed ayaa taliye ku xigeenka u sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto Saldhigyada kuyalaan gobolada KG iyo dalacsiinta Ciidanka.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta dowladda soomaaliya G/ Cilmi Waasuge ayaa Ciidanka u sheegay in uu helay fariin wanaagsan oo Ciidanka ah taasi oo taliyaha iyo saraashiisha kaleba ay shegeen in Ciidanka ay yihiin kuwo habeen iyo maalin u soo jeedaan sidii ay shacabkooda ugu adeegi lahayeen iyo amar qaadashada taasi oo ah mid amaan mudan.
Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wax laga qaban doono waxyaabaha loo baahan yahay ee taliyaha uu tilmaamay sidoo kalena uu gudbin doono fariinta ah dalacsiinta Ciidanka.
Codkakoonfurgalbeed.com