Baydhabo(CKG)- Xarunta Taliska Guutada 8,aad qeybta 60,aad ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacdey dabaaldega munaasabada xuska sanad guuradii 63-aad ee 26-juun, maalinta xoriyada gobolada waqooyi ee dalkeena.
Waxaa goobjoog ka ahaa munasabadda Taliyaha qeybta 60,aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Janaral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) Taliye ku xugeenka qeybta 60,aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/dhaxe Cali Xabad iyo Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Abdullahi ugaas Kunow iyo Taliye Xigeenka Guutada 8,aad .
Sidoo kale munasabad waxaa kasoo Qeyb galey Masuulin katirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Iskugu Jira Xildhibaano, Wasiiro, odayaasha Dhaqanka, Waxgarad, Siyaasiin, Dhalanyarow, Aqoon yahno ,
ururada Bulshada ra’idka Iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Maxamed Watiir.
Khudbadaha dhamaan mas’uulintii is taagtay waxay ka sheekeyeen calanka iyo sidii lagu helay xoriyadda dalka, dhalinyaradii soo hal gantay iyo awooddooda sida ay aheyd xiligaas.
Dhinaca kale dhalinyarada ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb qataan xureynta dalka.
Munaasabadda oo lagu marti qaaday kooxda Fanaaniinta Jinaawkay ayaa halkaas ka qaaday heeso lagu dhiira-galinaayo dhalinyarada dalka gaar ahaan ciidamada.
Codkakoonfurgalbeed.com