Baydhabo(CKG)-Hawlwadeenada Guddiga Shaqaalaha Ray’idka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa loogu qabtey Magaalada Baydhabo Tababar ku saabsan dib u eegista iyo qiimeynta Waxqabadka Sanadlaha ah ee Shaqaalaha Dowlad goboleedka KGS.
Furitaanka Tababarkan oo ay goob-joog ahayeen Madaxda Guddiga oo ugu horeyaan Gudoomiyaha Guddiga mudane Sharmarke Mohamed Kulow iyo shaqaalaha kale ee guddiga ayaa waxay halkaas ku soo jeediyeen hadalo ku aadan furitaanka Tababarka oo u badnaa dardaaran iyo inay ka faa’iideystaan Casharada la siinayo inta uu socodo Tababarka.
Gudoomiye Sharmaarke ayaa sheegey in muhiimad gaar ah ay u leedahay Shaqaalaha Guddiga inay qaataan nooca aqoon-kororsigan, maadaama ay kamid tahay hawlaha ugu muhiimsan uu fuliyo Guddigu dabayaaqada Sanad walba.
Shaqaalaha ra’idka KGS waxey kaga jiraan horumarinta shaqaalaha maalgalinta iyo shaqaaleysiinta bulshada.
Madaama tababarkaan uu yahay mid sanadle ah ayaa ayaa waxaa tababarka bixinaayay aqoonyahno qibrad u leh howlaha ay qabanayaan guddiga iyo shaqaalaha ra’idka ah.
Sidoo kale si loo xoojiyo shaqooyinka iyo howlaha kale ee ku gadaaman shaqaalaha ra’idka ayaa si toosta kormeere ugu ahayeen masuulin ka socotay wasaaradda maalinyadda iyo wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha KG
Codkakoonfurgalbeed.com