Xudur(CKG)_Tababar soconaayo mudo seddax maalin ah isamarkaana lagu baranaayo tabinta doorashooyinka ayaa loo Qabtay 25 wariye oo ka howlgala warbaahinada ku yaala degmada Xudur ee gobolka bakool.
Tabbarkaan oo ay soo qabanqaabisay ururka isku xirka haweenka warbaahinta soomaaliyeed SOMWA Waxaa ka qeyb galay wasiirka wasaarada warfaainta, maaulka degmada xudur iyo madakx ka socday ururka Somwa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada xudur Cali Xasan ayaa asna sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka maamul ahaan tababarida wariyaasha Xudur.
” anigoo ku hadlaayo codka maamulka degmada iyo shacabka Xudur, waxaan aad ugu faraxsanahay in wariyaasha degmada ay helaan tababar ku saabsan doorashooyinka iyo kuwo kale oo aqoonta wariyaasha lagu xoojinaayo marka waan ku faraxsanahay” ayuu yiri Cali Xasan gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur.
Wasiirka wasaarada warfafinta KGS abdifatax Cali Yuusuf oo furay ayaa wariyaasha xudur ka howgala kula dardaaramay in faham weyn ka qaataan tabinta arimaha doorashooyinka.
“Waxaad fursad u heshaan tababar lagu baran doono arimaha doorashooyin iyo sidii aqoontiina kor loogu qaadi lahaa, marka dar daarankeyga wuxuu yahay inaan dhageysataan casharada maalmaha uu tababarka uu socdo”
Waa tababrkii u horeeyey oo loo qabto wariyaasha ka shaqeeya xudur oo la xariira arimaha doorashada, Sidoo kale Waxaa xusid mudan oo tababarkaan ku soo aaday xili deegaanada kgs ay ka socdaa doorshada deegaanka wariyaashana laga dhiso habtabinta wanaagsan ee Noocyada doorashada.
CodkaKoonfurGalbeed.com