Home » Tababar labo maalin oo ku saabsan warbaahinta iyo fagaaro kahadalka ee Dumarka oo Xudur lagu qabtay (SAWIRRO)

Tababar labo maalin oo ku saabsan warbaahinta iyo fagaaro kahadalka ee Dumarka oo Xudur lagu qabtay (SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Tababarkaan loo qabtay qaar kamid ah gabdhaha ku nool magaalada Xudur ayaa wuxuu ku saabsanaa fagaaro ka hadalka, taasi oo fursan heli doonaan in ay kahadlaan goobaha bulshada ay iskugu imadaan.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Xudur, isku duwaha haweenka, gudoomiyaha haweenka degmada iyo masuu;in ka socotay ururka haweenka suxufiinta  soomaaliyeed ee Somwa oo tababarka ka fulisay degmada Xudur.

Shukri Ismaaciil Axmed oo ka mid ah madaxda ururka haweenka suxufiinta  soomaaliyeed ee Somwa ayaa ka warantay muhiimadda tababarka.

Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Xudur Faadimo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa tababarkaan ku tilmaantay mid lagu dhiira-galinaayo haweenka degmada xudur, waxeyna sidoo kale u mahadcelisay ururka haweenka suxufiinta  soomaaliyeed ee Somwa.

Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa haweenka fursadda u helay tababarka fagaaro ka hadalka ayaa kula dar-daaramay in maalmaha uu casharada socdaan siduu yahay ugu fa’idestaan madaama loogu baahan yahay in kuwa kale ee fursadda u helin uga fa’ideyaan.

 Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com