Muqdisho (CKG) – Agaasimaha guud Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka ah mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka hadlay furitaanka tababbarka ku saabsan habka ugu wanaagsan ee warbaahintu u tebin karto sheekooyinka Caddaaladda ee haweenka gaar ahaan dhanka Maxkamadaha. Wariyaasha ka qeybgalaya tababbarka u ayuuna u sheegay inow Garsoorka uu ka mid yahay tirarka ugu muhiimsan ee nolasha dadka.
“Waxaan rejenayaa in cilmiga ay ka bartaan weriyeyaasha tababbarkaan ay dib ugu celiyaan bulshada oo ay soo bandhigaan warar sugan oo ku saabsan Caddaaladda,Wariyuhu waa in uu san wax kasto sii deynin, oo uu ka fekaraa waxa uu qoraayo, markii aad maxkamad warkeeda tabineyso waa in aadan waxba ka badalin,” ayuu yiri Mudane Xayir.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Garyqaan Saalax Cali Maxamuud oo bogaadiyay tababarkan ee soo qaban qaabisay MWN ( media Woman Network), ayaa ka qeybgalayaasha uga warbixiyay kaalinta ay ku leeyihiin in mar kasta uu sarreeyo sharaciga iyo Caddaaladda.
Waxa uuna yiri “Wariyaha tabinaayo war ama sheeko ku saabsan arrimaha garsoorka waa in uu xog ka hayo dhammaan dhinacyada uu khusayso kiiska uu rabo in uu la wadaago dadka, waxaan idiin ballan qaadayaa inaan idin geyn doono dhammaan xafiisyada si aad u ogaataan wax ka soconaya iyo sida garsoorka u shaqeeyo,” Ayuu yiri Garyqaan Saalax.
Weriyayaasha ayaa la barayaa habka ugu fudud ee xog raadinta Caddaaladda haweenka, cidda ay ka heli karaan iyo mawduucyo ku saabsan sharciga aas-aasiga ah ee maxkmadaha.
Tababarkaan oo qayb ka ah tababarro ay MWN( Media Women Network) ku qabanayso magaalooyin kala duwan, ayaa la filayaa inuu fure u noqdo in shacabku helaan xog ku filan oo garsoorka ah.
Weriyayaasha iyo warbaahinta ayaan inta badan tebin sheekooyinka la xiriira maxkamadaha gaar ahaanna kiisaska iyo dacwadaha ku saabsan arrimaha haweenka. Caqabadaha xog yari ee garsoorka ayaa loo sababaynaya waxyaabo kala duwan oo ku gadaaman oo ay ka mid tahay in weriyeyaasha aysan helin tababbarro noocaan oo kale ah.
CodkaKoonfurGalbeed.com