Baydhabo(CKG)-Tababarka oo laga qeyb galiyay ururada bulshada ra’idka magaalada Baydhabo, wariyaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa waxaa lagu soo bandhiggay doodo ku saabsanaa arimaha Eexda iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Qaar kamid ah dhalinyaradii laga qeyb galiyay ee qabay baahiyaha gaarka ah ayaa tilmaamay marka ugu horeysa faquuq koow ka yahay arimaha guurka iyo in Eexda la kulmaan waqtiyada raadsanayaan shaqooyinka.
Dhalinyaradaan oo ka Fa’idaystay ka qeyb galiyadda wariyaasha in ay tabiyaan oo gaar siyaan mas’uulinta iyo ururada u qareema dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Haddaba sidoo meesha looga saari karaa Eexda iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba goobaha shaqada iyo guurka.
Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo kamid ah dhalinyarada ka qeyb qadanaayay tababankaan lagu baranaayay tabinta wararka la xiriira Eexda, asigoo wax laga waydiyay wax yaabihii uu ka fahmay tababarka labadii maalin ee la soo shaafay ayaa sheegay in casharadii uu qaatay ay bareen nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
“Waxaan kamid ah ururada bulshada ra’idka ee Baydhabo, runtii tababarkaan ka hor maheynin fikiro ku saabsan sidee loogu doodi karaa, maxay u baahan yihiin dadka kale mala siman yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaa ii soo baxday in dhibaato waxay ay ku nool yihiin dadkaani.
Cabdiraxmaan Xasan ayaa sheegay in ay yar tahay caawinaadda loo sameeyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidaasi darteed si loo baahiyo Wararka la xiriir dadkaani ayaa Ururka Saxafiinta KGS iyo UNSOM tallo ahaan usoo jeediyay in ay badiyaan tababaradaan oo kale si meesha looga saaro in la dhaho naadafada dadka kale lama mid ahan.
Nuur Aadan Xaaji “Waxaan kamid ahay wariyaasha magaalada Baydhabo, dadka baahiyaha gaarka ah qaba ma helaan kaalmo xiliyada ay gudbayaan waddooyinka iyo goobaha kale, ixtiraan ama qimeyn kama helaan goobaha shaqooyinka iyo markay la kulmaan madaxda taasina waxaa looga gudbi karaa wacyi-galin iyo in doodo nocaan oo kale ah loo sameeyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo bulshada kale.
Nuur Aadan oo ah wariyaasha fursadda u helay tababarkaan ayaa tilmaamay in ka wariye ahaan uu helay fikirado badan uu ku saabsan dadka baahiyaha gaarka ah qab taasi oo ah in ay jiraan sheekooyin badan oo qarsan in ay ku jiraan goobaha dadkaani ay ku nool yihiin, Nuur ayaa ku taliyay in la helo Urura u gaar ah oo ka shaqeeya u qareemidda, soo bandhigidda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada KGS Abshir Isgoowe Deerow, hadal kooban oo uu jeediyay ayaa waxaa uu ku sheegay in ka dhabeyn looga baahan yahay qeybihii kala duwanaa ee tababarka ka qeyb galay.
Agaasimaha ayaa Ururka Suxufiinta KGS SUWEJA iyo UNSON oo gacan ka geysatay ka codsaday in tababaradaan oo kale la badiyo si dhamaan xal looga gaaro aqabadaha heysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Codkakoonfurgalbeed.com