Baydhabo (CKG)- Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo looga qabtey Tababar ku Saabsan Dhisadda Anshax iyo qiimeynta Adeegyada ay u haayan Bulshada KG,
Tababarkan Qabsoomidiisa waxaa iska kaashadey Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda KG iyo Guddiga Shaqaalaha rayidka,
Tababarka oo ahaa Mid Aqoontooda kor loogu qaadeyey Shaqaalaha Wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Xiritaankiisa kasoo Qeyb galey Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda KGS Mudane Sharmaake Maxamed Kuulow iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda KG Maxamed yaraani Xasan.
Codkakoonfurgalbeed.Com