Home » Tababar ku saabsan ka hortagga tabinta wararka la xiriira Eexda oo lagu qabtay Baydhabo(SAWIRRO)

Tababar ku saabsan ka hortagga tabinta wararka la xiriira Eexda oo lagu qabtay Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Tababarkaan ayaa waxaa ka fa’idaysan donaan 30 wariye, ururada bulshada iyo dad ka socda kuwa baahiyaha gaark ah qaba.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaabiyayb Ururka Saxafìinta KGS, oo tageero ka helaayo hay’adda UNSOM.

Casharada lagu baran doono tababarka oo la xiriira arimaha Eexda, ayaa waxaa bixin doonaa maclimiin degaanka ah oo aqoon fiican u leh casharada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada KGS Cabdifitaax Cali oo furay tababarka ayaa sheegay in mowduuca lagu baran doono tababarka uu yahay mid muhiim u ah wariyaasha iyo dadka kale ee loo soo xulay tababarka.

Gudoomiyaha ururka Saxafiinta KGS. Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni) oo wasiirka ku soo dhaweeyay tababarka ayaa sharxaad, Wuxuu ka siyay waxyaabaha lagu baran doono tababarka iyo dadka ka faa’idaysan doonan ay yihiin kuwii mudnaa.

“Waxyaabaha looga baahan yahay wariyaasha laga qeyb galiyay tababarkaan ayaa waxay yihiin in lagu baro sameynta Wararka la xiriira Caddaaladda, xaq simidda, dhax dhaxaadin iyo xad gudub”

Wasiirka ayaa sheegay haddii wariyaasha si sax ah uga shaqeyaan in ay ka fogadaan arimaha Eexda, si toos ah ugu shaqeyaan bulshadooda in la gaari doono horumar.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wadta ayaa yiri “Tababarkaan maanta furnay oo qabanaysa Suweja wuxuu leeyahay muhiimaddiisa gaarka ah, wariyaha soo diyaarinaayo Wararka iyo Barnaamijada in uu ka fiiriyo dhinacyo badan oo aan dhalin karin isku dhacyo Eexda”

Wasiir Cabdifataax ayaa sheegay in wasaaradda iyo wariyaasha ay ku kala bad baadi karaan run ka sheegidda Wararka iyo Eex dhalisa isku dhacyo badan.

Sedaxda maalin oo socon doono tababarka ayaa waxaa la sameyn doonaa doodo badan oo ku saabsan xasharada’ iyadoona xusid mudan in tababarka qeyb ay ka yihiin ururada bulshada iyo qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba si iyagana uga doodaan Wararka laga tabin karo xiliyada kala duwan ee warbaahinta laga sheegaayo .

Dhamaadka tababarkaan ku saabsan tabinta Wararka la xiriira arimaha Eexda ayaa waxaa ka qayb galiyaasha lagu siin doonaa Shahadooyin marqaati u ah in ay barteen ama ay qateen casharo ku saabsan Eexda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com