MUQDISHO (CKG)- Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Villa Hargeisa ugu furmay tabbabar soconaya hal maalin oo ay bixinayso Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law.
Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa Horumarinta Matalaadda Danaha Haweenka ee Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyo Hannaanka Sharci-dejinta. Intii uu socday tababbarka waxaa ka faa’ideystay Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Xil. Haawo Sokor Cali ayaa soo xirtay tababbarka, waxayna si gaar ah ugu mahadcelisay khubarada bixinaysay casharka iyo Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law oo soo abaabushay tababbarkan.
Codkakoonfurgalbeed.com