Home » Tababar ku saabsan habka loo qoro warbixinada oo loo furay shaqaalaha Ra’idka KGS.

Tababar ku saabsan habka loo qoro warbixinada oo loo furay shaqaalaha Ra’idka KGS.

by Weriye Ateera

BAYDHABO(CKG)- Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sharmaarke Maxamed Kuulow, ayaa furay tababar lagu baranayo habka saxda ah ee loo qoro Warbixinada (report writing), iyadoo loogu talagalay inay ka faa’iideystaan Dhamaan Howl-wadeenada ka hawlgala Guddiga Shaqaalaha Rayidka KGS.

Ujeedka tababarkan waa in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira qorista warbixinada xirfadeed. Mudane Sharmaarke ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shaqaaluhu helaan xirfado casri ah oo ku saleysan hababka qoraalka, taas oo sare u qaadeysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka shaqo.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu Hormarinayo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed si loo hubiyo in ay qabtaan shaqo tayo leh oo waafaqsan nidaamka Dowliga ah. Shaqaalaha ka qeybgalay tababarkan ayaa la filayaa inay si wax ku ool ah u adeegsadaan aqoonta ay ka barteen tababarka, si loo gaaro himilooyinka maamulka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com