Home » Soomaaliya Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka (SAWIRRO)

Soomaaliya Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Addis Ababa (CKG)- Soomaaliya oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) oo ay Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Soomaaliya ku meteleysay ayaa waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto.

Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Md Khatar Sheekh Maxamed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com