Home » Soomaaliya oo ka qeybgashay tababar Masar uga furmay warbaahinta dalalka Islaamka

Soomaaliya oo ka qeybgashay tababar Masar uga furmay warbaahinta dalalka Islaamka

by CKG Editor

Qaahira (CKG) – Wasiirka Awqaafka Dalka Masar Mudane Mukhtaar Maxamed Juma ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay ku jiraan xubno matalaya Soomaaliya.

Tababarkaan ayaa Ujeedkiisu ahaa in warbaahinta Dalalka Islaamka ay muujiyaan dowrkooda ku aadan horumarinta arrimaha biniaadanimada, dhaqanka wanaagsan iyo in bulshada ay ku wada noolaadaan ixtiraam iyo isfaham toosan.

Mudane Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaafka ee dalka Masar oo ka hadlay furitaanka tababarkaan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula talayay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaadaan wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.

Dalalka ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Liibiya, Comoros, iyo dalal kale oo ku jira Jaamacadda Carabta.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com