Home » Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka Madasha Labaad ee Arab Forum For Equality

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka Madasha Labaad ee Arab Forum For Equality

by Weriye Ahmed Yare

Beirut (CKG) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka Lubnaan.

Wafdiga Wasiiru-dowlaha oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan ( Nadif), khubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta sinnaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada, kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Beirut.

Wasiir Yuusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda shaqada kaga aadan arrimaha Buulshada, isagoo ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beirut casuumaadda ay u fidiyeen.

Waxaana uu la wadaagay Wasiirka in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartay Wasaaradda gaar ahaan dhanka arrimaha bulshada iyo faa’iidada ay leedahay diiwaanka bulshada (Unified Social Registry).

Wuxuuna ugu dambeentii halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya uga go’an tahay siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga dalka iyo Dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo la qorsheeyay in la dhameystiro sanadkaan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com