Home » Soomaaliya Oo Ka qayb-galaysa Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacaya Ciraaq

Soomaaliya Oo Ka qayb-galaysa Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacaya Ciraaq

by Mohamed Adam Socdaal

Ciraaq (CKG)- Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha XFS ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay.

Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo baxay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasiirka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Tamaam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga labada dhinac.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com