Home » Soomaaliya, Kenya Iyo Itoobiya Oo Ka Helaya $2.4 Bilyan

Soomaaliya, Kenya Iyo Itoobiya Oo Ka Helaya $2.4 Bilyan

by Mohamed Adam Socdaal

SIK (CKG)- Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Laakiin deeqahaas ayay Qaramada Midoobay sheegtay inay ka hoos mareen maalgalintii dhaqaaale ee ay raadinaysay iyada oo ka digaysay musiibo ka dhasha abaaraha ka jira dalalka bariga Afrika.

Qaramada Midoobay waxay saddexda dal u codsatay in ka badan 7 bilyan oo dollar, balse ka hor shirkii lagu ballan qaaday Soomaaliya 25% kaliya ayaa la maalgeliyay, Itoobiya 22% iyo Kenya 21% oo keliya.

Qaramada Midoobay ayaa Geeska Afrika ku tilmaantay xuddunta xaaladaha degdegga ah ee cimilada ugu xun adduunka.

“Dhibaatooyinka abaaraha ayaa halis gelinaya nolosha iyo maciishadaha malaayiinka ah ee ku nool Geeska Afrika: Abaarta ugu dheer ee la diiwaan geliyo. Barakac baahsan ka dib sannado badan oo colaado iyo ammaan darro ah. Qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray,” ayuu yidhi Antoni Guterres.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo UNICEF, ilaa 40,000 ayaa ku dhintay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sannadkii hore; kala bar waxay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir, sida uu sheegay Antoni Guterres.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com