Home » Soomaaliya Iyo Qadar Oo Ka Shiraya Dhinacyadda Iskaashiga & Maalgashiga

Soomaaliya Iyo Qadar Oo Ka Shiraya Dhinacyadda Iskaashiga & Maalgashiga

by Mohamed Adam Socdaal

Dooxa (CKG)- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa kala hadlay dhiggiisa dowladda Qatar qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka ee wadaagga ah ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalkaas, kula kulmay Dhiggiisa Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale fursadaha horumarinta dhinacyada iskaashiga iyo maalgashiga.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi istiraatiiji oo adag.

Qatar ayaa gudaha magaalada Muqdisho iyo maamul Goboleedyada ka fulisay mashaariic horumarineed, iyagoona dhistay oo ay bixiyey mashruucda dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

CodkaKoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com