Home » Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Kumaandooska Danab.

Mr Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo  tababarada iyo Qalabeynta ciidamada xoogga ee Kumaandooska Danab, isla markaana lagu qalabeynayo, si ay uga jawaabaan qataraha ka imaanaya Argagixisada Al-Shabaab iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab.

Wasiirka Difaaca ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya  ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com