Home » Soomaaliya iyo China oo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo kale

Soomaaliya iyo China oo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo kale

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XF Soomaaliya Xildhibaan Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa Isniinta maanta ah kulan la qaatay safiirka wadanka China u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mr. Fei Shengchao.

Labada Masuul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo siddii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, labada dhinac, waxa ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen muhiimadda iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal, dhiirigelinta Maalgashiga gaar ahaan isku xirka ganacsatada Soomaalida iyo kuwa China si ay u abuuraan fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weli ba siddii loogga wada shaqeyn lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiir Jibril, waxa uu Safiirka la wadaagay dadaalada ay ka Dawlad ahaan sameeyeen ee khuseeya horumarinta iyo fududeynta ganacsiga wadanka, isla mar ahaantaana ay maanta Soomaaliya u diyaarsan tahay inay wadanka ku soo dhaweeyaan Maalgashadeyaal caalami ah si kor looggu qaado wax soo saarka wadanka si ay Soomaaliya dheelitir ganacsi u la yeelato wadamada caalamka.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com