Home » Soomaalida Kenya Oo Ka Hadashay Go’aanka Ay Qaateen Mucaaradka Dalkaasi

Soomaalida Kenya Oo Ka Hadashay Go’aanka Ay Qaateen Mucaaradka Dalkaasi

by Mohamed Adam Socdaal

Nairobi (CKG)– Mucaaradka Kenya ayaa mar kale todobaadkaan joojiyay dibadbaxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda Madaxweyne William Ruto, kadib markii dowladda ay isbeddal ku samaysay qaar ka mid ah tabashooyinkii ay qabeen mucaaradka.

Tallaabada ay mucaaradku mar kale ku hakiyeen dibadbaxyada mudada ay wadahadaladu socdaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Kenya oo ay Soomaaliduna ay ka mid tahay.

Mas’uuliyiinta Ganacsatada Soomaalida Kenya oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aanka ay qaateen Mucaaradka Kenya oo ay ku joojiyeen dibadbaxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda.

Ganacsatada ayaa xustay in rabashadihii ka dhacay dalka ay saameyn xooggan ku yeesheen Ganacsatada Soomaalida, Ardayda iyo dadka shacabka ah, isla markaana uu hakad galay ganacsigooda, iyagoo intaas kusii daray inay la kulmeen dhibaatooyin.

Go’aanka mucaaradka ayey ku tilmaameen Soomaalida inuu yahay mid ay ku faraxsan yihiin oo ay soo dhaweynayaan. Dhinaca kale Mucaaradka ayaa dowladda Madaxweyne William Ruto ka dalbaday inay bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo tabashooyinka jira.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com