NairobiĀ (CKG) – Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Ganeraal Odawa Yuusuf Raage oo maalamahaan booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya ayaa booqday Dugsiga Ciidanka Dhulka ee Dalka Kenya.
Booqashada Odawaa ayaa ku soo beegantay, xilliĀ Kenya ay qorsheynayso inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya ciidamada Soomaaliya wejiga 2aad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kenya ayaa qorsheynaysa inay wax ka bedesha qorshaheeda la dagaalanka Al-Shabaab, waxayna doonaysaa inay Al-Shabaab kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Bishii Febraayo ayaa Kenya magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis ku saabsan in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Al-Shabaab.
Si kastaba, Kenya waxay hadda dhibbane u tahay weerarada Al-Shabaab ee ka geystaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka Xeebta, halkaas oo Al-Shabab si firfircoon uga howlgallaan, iyagoo geysta weerarro jidgal ah.
CodkaKoonfurGalbeed.com