Hargeysa (CKG) – Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in maamulkooda uusan qeyb ka aheyn wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya lagu sameeyay, waligoodna aysan qeyb ka noqon dastuurka.
Cali Mareexaan ayaa in dowlada Soomaaliya ay hadda ka hor aaminsanayd in maamulka Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, lakiin ay hadda samaysteen dastuur u gaar ah, oo ay soo afjareen doodoodi hore.
Wuxuu intaasi raaciyay wasiirka warfaafinta ee Somaliland, in ansixinta wax ka bedelka dastuurka ay ku sameeyeen Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ay hadda ka dhigan tahay in Soomaaliya u aqoonsatay maamulka Somaliland dal madax bannaan.
“Waxa ku cusub ee soo kordhayna waxa weeyaan uun in wixii ay iskugu sheekayn jireen ee ay odhan jireen Somaliland ayaa la sugaya ay soo afjareen, oo ay yidhaahdeen awrkiinu haku qaado oo ay ku tashadeen intooda iyo dalkooda” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.
Si kastaba, Xildhibaanada labada Aqal ku matela Baarlamaanka Federaalka gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa qeyb weyn ka ahaa xildhibaannadii ansixiyay wax ka bedelka dastuurka cutubyo ka mid, taas oo ka dhigan in Somaliland ay mataleen xildhibaannadaasi.
CodkaKoonfurGalbeed.com