Home » Somaliland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Nin Aabihiis Dil u geystay

Somaliland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Nin Aabihiis Dil u geystay

by Mohamed Adam Socdaal

Hargaysa (CKG)- Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa Maanta gacanta ku soo dhigay Eedaysane Ciise Maxamed Yuusuf.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in Eedaysanahan uu ku eedaysan yahay in uu dil u geystay Aabihii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Aadan 1/5/2023

Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa hawlagl ku baadi goobaayay tan iyo maalinkii uu dilka gaystay Eedaysanaha, waxayna ugu dambayn ka soo qabteen Magaalada Wajaale.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Ugu dambayn Ciidanka Booliska ayaa shacabka Somaliland guud ahaantood  ku boggaadiyay kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com