Home » Somaaliya oo loo doortay kursi caalami ah iyo mas’uulka ku metelaya.

Somaaliya oo loo doortay kursi caalami ah iyo mas’uulka ku metelaya.

by Weriye Ateera

Geneva (CKG) – Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam loogu doortay inuu noqdo madaxweyne ku-xigeenka golaha shirwaynaha caafimaadka adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh caafimaadka aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya waddamada adduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan adduunku kaga doodaya ayaa waxa ugu horeeya hindise ay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaasi oo ujeedadiisu tahay in adduunka uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka.

Soo jeedintan ayaa ku qotonta sidii loo gaari lahaa hadafka guud ee golaha taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha caafimaadka ee adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dilaaca taasoo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan.

Arrinta ayaa sidoo kale muujinaysa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo caafimaad, midaasi oo soo dhaweynaysa xalka mushkiladaha caafimaad ee adduunka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com