MUQDISHO(CKG)-Mas’uulinta iyo siyaasiinta gaar ahaan musharxiinta u taagan doorashada maamulka koonfurgalbeed soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaaway shirirkii iyo kulamadii ay ku qabsan jiray caasimadda dalka kuwaasi oo ay kaga hadlayeen siyaasadda iyo doorashada lagu soo dooran doono hogaamiyaha cusub ee afarta sano soo socota kadib markii 19 December 2024 doorasho lagu qabto degaanada koonfur galbeed soomaaliya.
Siyaasiintaan oo u badan kuwo horey xilal kala duwan ugu soo qabteen degaanada KG iyo dowladda dhaxe ayaa wada abaabulo ka dhanka ah sidii degaanada KG ay ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha taasi oo lagu balansanaa iyadoo horey tiro labo mar fargalin ay ku soo sameysay dowladda FS.
Siyaasiinta dowladda FS ee ku metela degaanada koonfur galbeed Baarlamaanka oo dhawaanahaan ka hadlaayay arrimaha KG ayaa madaxweyne Lafta-geen ugu baaqeen in uu qabto doorasho loo dhan yahay oo ay ku qanacdan yihiin shacabka iyo siyaasiinta asigoona looga digay wax is daba marin ah ama in uu ku darsado muddo kordhin kale sidii horey u soo sameeyay.
Maxamed Abuukar oo ka tirsan Baarlamaanka DF oo laga doortay KG oo dhawaan shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah KGS horey loogu diiday in ay ka degtaan siyaasiinta is bedel doonka ah taasina ay tahay mid Madaxweyne Lafta-geen uu doonaayo in xilka sii haayo doorashona aysan ka dhicin KGS taasi cadaadis ay ku saari doonaan DFS si ay fargalin ugu sameyso.
Codkakoonfurgalbeed.com