Home » Siciid Deni “Xamse Barre waa Xoghayaha Xasan Sheekh, isaga ayaa shaqaale ah, maxuu shaqa bixiyaa”?

Siciid Deni “Xamse Barre waa Xoghayaha Xasan Sheekh, isaga ayaa shaqaale ah, maxuu shaqa bixiyaa”?

by Mohamed Adam Socdaal

Galkacyo (CKG)– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa halakasi ka sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay ku hayso Puntland, kaa gaar ahaan Dimuqraadiyadda hirgashay, wuxuuna sheegay jawaabta koowaad in ay noqonayso Shacabka oo codeeya 25 May 2023.

“Xamse Barre waa Xoghayaha Xasan Sheekh isaga ayaa shaqaale ah maxuu shaqa bixiyaa” ayuu yiri madaxweynaha Maamulka Puntland isagoo ka jawaaabayay Hadalkii Ra’isul Wasaare Xamse ee Xalay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com