Home » Shirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo maalintii labaad galay

Shirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo maalintii labaad galay

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda, shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka iyo saameynta Bulshada ay ku leeyihiin.

Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameen lahaa wararka Been Abuurka oo sameeyn Taban ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa waxa ka qeyb galayo mas’uliyeen ka socda, wasaaradda, wariyayaal ka socda warbaahinta Madax banaan iyo khuburo dhanka Saxaafadda oo dooda adag ka yeelanayo sid ugu fudud ee loo xakameen karo wararka Been Abuurka iyo Buunbuunintooda.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa looga doodo arrimo ay kamid yihiin Saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka.

War-murtiyeed ayaa laga soo saari doonaan shirkan oo maanta lagu wado in la soo gabagabeeyo.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com