Home » Shirkii horumarinta dib u dhiska waddooyinka dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirkii horumarinta dib u dhiska waddooyinka dalka oo la soo gabagabeeyay

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Shirka horumarinta dib u dhiska waddooyinka dalka oo labadii maalin ee la soo dhaafey ka socdey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u dhaxeeyay Wasaaradaha heer Federal iyo heer dowlad gobaleed ee dhanka howlaha ee guud, iyadoo ay ka qeygaleen xubno ka socday ururrada bulshada..

Ujeedka shirkan oo ahaa mashruuca kaabayaasha waddooyinka, isla markaana ay ka qeybgaleen guddi ka kooban Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka, Wasaaradaha dowlad goboleedyada Puntlad, Jubbalad, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta iyo horumarint kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dib u dhiska waddooyinka.

Wasiirka howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa tilmaamay in mashruucan uu noqon doono mid mira dhala oo lagu guuleysto iyo in la hirgeliyo wixii shirka ka soo baxo.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com