Home » Shirka Madasha Q.M oo ay Soomaaliya ka qeyb-gashay oo lagu soo gabagabeeyay Kenya

Shirka Madasha Q.M oo ay Soomaaliya ka qeyb-gashay oo lagu soo gabagabeeyay Kenya

by Weriye Ahmed Yare

Nairobi (CKG) – Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Xukuumadda XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay, isla markaa uu wehliyo Danjiraha Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalmahaan ka qeyb-galayay Shirka UN HABITAT ee ka soconayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay ka qeyb-galeen xiritaanka Kala-fadhiga labaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UN Habitat).

Shirkaan oo socday muddo 5 maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ama looga hadlay Mustaqbalka magaaloyinka ee waara, iyada oo loo marayo is-dhexgal dhinacyo badan leh iyo gaaritaanka yoolalka horumarineed ee Joogtada ah ee waqtiyada xasaradaha caalamiga ah.

Sidoo kale, shirkaan ayaa waxaa la qabtaa Afartii sanaba mar si looga wada hadlo xaaladaha magaalooyinka adduunka iyo deegaanada lagu noolyahay.

Inta uu shirkaas socaday ayaa madaxda Soomaaliyeed waxa ay kulamo doceedyo la yeesheen wafdiyo kagala socday Dowladaha kala ah:- Gariiga, Biljamka ,Itoobiya, Masar iyo wakiilka UN HABITAT u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulamadaas ayaa ahaa kuwo diirada lagu saaray xariirka Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamaas iyo in xooga la saaro wada-shaqeynta iyo dib u dhiska wadanka.

CodkakoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com