Home » Shirka Isku dubaridka dhanka Gargaarka Bani’aadanimo ee Sh/Hoose oo Muqdiaho lagu qabtay(SAWIRRO).

Shirka Isku dubaridka dhanka Gargaarka Bani’aadanimo ee Sh/Hoose oo Muqdiaho lagu qabtay(SAWIRRO).

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Wasaaradda Arimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka KGS ayaa Maanta qabatay Shirka looga hadlaayey Isku dubaridka dhanka Gargaarka Bani’aadanimo ee Gobolka Shabeelada Hoose,Shirkaas oo ka dhacay xarunta Hay’adda New Ways ee Mogadishu, waxaa shir gudoominaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Dini Cabdinur Maxamed Waxaana ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Maxamed Ibrahim Bare, Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka ee Gibolka Mudane Maxamed Yusuf iyo Hay’ado Caalami ah iyo kuwa Local-ka ah ee ka shaqeeya Gobolka Sh/Hoose.

Shirka waxaa looga hadlay sidii ay Hay’adaha Gargaarka u xoojin lahaayeen wada shaqaynyta ay la leeyihiin Hay’adaha Dowladda gaar ahaan maamulka Gobolka iyo isuduwaha Wasaaradda Gargaarka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaa kaloo looga hadlay Shirka Xaaladda Bani’aadanimo dadkii ka Barakacay Deegaanka Buulamareer iyo sidii loogu gurman lahaa iyo Degmada Wanlaweyn tuulooyin ka tirsan oo la sheegay in uu ku soo fatahay Webiga Shabeelada.

Wasaaradda ayaa ka codsatay Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose, Kan degmada Wanlaweyn iyo Hay’adaha ka shaqeeya deegaankaas inay qiimeeyn ku soo sameeyaa khasaaraha uu geeystay Fatahaadaas Webiga si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay.

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com