Home » Shirka Hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

by Weriye Ahmed Yare

Nairobi (CKG) – Magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxaa Isniinta maanta ah ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo Afar maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Sidoo kale, shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirradda lagu saarayaa horumarinta soo saarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com