Home » Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Loogu Hadlay Amniga

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Loogu Hadlay Amniga

by Mohamed Adam Socdaal

Kismaayo (CKG)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaanada Jubaland kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Kuwa xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 katirsan Khawaariijta Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada ah.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubaland kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com