Home » SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAYA MAGAALADA MUQDISHO

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAYA MAGAALADA MUQDISHO

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomin doona Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhowaan ka furmi doona Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in shirka lagu lafa guri doono arrimaha dhameystirka dastuurka qabyada ah oo aasaas u ah hannaanka dowlad dhiska iyo gaarista siyaasad xasiloon oo ay Soomaaliya ku naalooto mustaqbalka.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in kulankan sidoo kale looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta, isagoo sheegay in ka guul gaarista dagaalkan Khawaarijta uu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale.

Waxaa ugu dambeyn uu Wasiirka xusay in tallaabadan uu Madaxweynaha ku martiqaadey madaxda Dowlad Goboleedyada si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay balaarinta wadatashida siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka iyadoo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com