Home » Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii 2-aad ka socda Baydhabo iyo Qodobbo xasaasi ah oo…

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii 2-aad ka socda Baydhabo iyo Qodobbo xasaasi ah oo…

by CKG Editor

Baydhabo (CKG) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socda shirka u dhaxeeya Golaha wadatashiga Qaranka ee ka kooban Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Shirka oo Khamiistii shalay furmay ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Madaxda ay shirka si-weyn uga hadlayaan arrimaha ku saabsan amniga sigaar ah billaabida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab wajigooda labaad.

Mr Xasan ayaa sheegay, in Madaxda ay siweyn u falan qeeyeen arrimaha Amniga, wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Ugu dambeyn, wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo wax laga weydiiyay maqnaanshaha shirka ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa waxa uu sheegay inay wada-hadallo hoose u socdaan Madaxda, isla markaana wixii kasoo baxa shirka leysku wada raaci doono.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com