Home » Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay(Sawirro)

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay(Sawirro)

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com