Baydhabo(CKG)-Wasiirka wasaarada howlaha guud mudane Dahir Abdullahi Abdi ayaa furay shir wadatashi ah oo ku saabsan mashruuca dhismaha jidadka cobble stoneka oo wajigiisa koowaad gabogabo marayo.
Shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha Cadaalada,Beeraha,Haweenka, Bay’ada, Ganacsiga iyo Qorshaynta iyo wasiir ku xigeenada wasaaradaha Howlaha guud iyo shaqada & shaqaalaha iyo sidoo kale gudoomiyaha degmada Baydhabo.
Shirkan intuu socdo waxaa lagu lafa guri doona waxyaabaha uqabsoomay Mashruuca iyo waxa loo baahan yahay in lagu daro.
Mashruucan oo ay wado dowlada ay ka caawinayso hay’ada ILO waxaa maalgalinaya Bankiga horumarinta jarmalka ee KFW.
Codkakoonfurgalbeed.com