Baydhabo (CKG)- Guddoomiyaha Degmada waajid Mudane Maxamed Macalin Yuusuf ayaa guddomiyey shirka todobaadlaha Amniga oo ka qabsoomay xaruunta Maamulka Degmada Waajid waxaana looga Hadlayey Amniga guud ee Degmada Waajid iyo Deegaanada hoosyimaada.
Bisha barakeysan ee ramadaan oo inta oo inta badan AL shabaab loogu bartay weeraro ayaa loogu hadlaayey sidii ciidanka ay u bilaabi lahayeen dhaq,dhaqyo fara badan oo ka dhan ah degaalamiyaasha Al Shabaab sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada.
Shirka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Degmada Guddoomiye kuxigeenka Degmada Waajid,Sarakiisha CXDS ,Taliyaha saldhiga Boliska Degmada Waajid, horjogiyaal ka socoday xaafadaha Degmada waajid ee Gobolka Bakool.
CodkaKoonfurGalbeed.Com