Home » Shir looga hadlayo la wareegida Amniga dalka ee CXD oo furmaya & MW Xasan oo ka qeyb Galaya

Shir looga hadlayo la wareegida Amniga dalka ee CXD oo furmaya & MW Xasan oo ka qeyb Galaya

by Mohamed Adam Socdaal

Kampala (CKG)- Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu wadaa inuu ka furmo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Shirka ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Kampala, waxaana dowladda ay shirka ku soo bandhi doontaa sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan uu xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo dowladda kula jirta dagaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirka maanta ka furmaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com